Jeneral Gabre oo laga joojiyay shaqadii uu IGAD uga hayay Soomaaliya

Col. Gabre Egziaber ayaa xil cusub looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii laga buriyay xilkii uu ka hayay Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta IGAD u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana la baabi’iyay qandaraaskiisa.
 
Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuud Macalin ayaa Col. Gabre waxaa loogu magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD,Sidoo kale waxaa warqada ku cad mushaarka uu qaadanayo oo noqon doonta $7015.63 (Todobo kun iyo shan iyo toban dhibic lixdan iyo saddex oo dollar).
Halkan ka akhriso wareegtada:-