mid ka mid ah maraakiibta dagaalka maraykanka oo shil ku galay bada Japan

Todobo kamid ah ciidamada badda ee Mareykanka oo sarnaa markab dagaal oo lagu magacaabo USS Fitzgeralds ayaa la la’yahay ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale kale oo siday xamuul oo ku sugnaa xeebaha dalka Japan.
 
Dadka ku dhaawacmay shilkani waxaa la sheegay inuu kamid yahay taliyaha ciidammaadii sarnaa markabka oo markii dambe loola cararay cisbitaal. Wuxuuna shilkan ka dhacay meel 104 km dhanka koonfureed kaga began magaalada Yokosuka ee dalka Japan.
 
”Taliyaha ciidammadii sarnaa markabka xaaladiisu waa ay ka soo reyneysaa, waxaana la geeyay cisbitaal ay ciidammada Mareykanka ku leeyihiin magaalada Yokosuka”, waxaa sidaasi sheegay sarkaal katirsan ciidammada badda ee Mareykanka.
 
Sawirro laga qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinaya burubur baaxad weyn oo soo gaaray markabka ciidamada Mareykanka.
 
Waxaana sidoo kale shilkan ka dhacay biyaha dalka Japan ku dhaawacmay labo katirsan ciidamada badda ee Mareykanka oo sarnaa markabka, balse markii dambe lagu la cararay diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee Helikobtarada.
 
Goobta uu shilka ka dhacay ayaa ah mid aad u mashquul badan, iyadoo marin u ah maraakiibta u socdo, kana socda caasimadda Japana ee Tokyo.
 
USS Fitzgerald ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid kamid ah maraakiibta ugu casrisan Mareykanka ee dhanka dagaalka, waxaana ku rakiban radaar la socda dhaqdhaqaayada badda.
 
Ilaa iyo hada ma cadda waxa sababay shilka, balse sarkaal u hadlay dowlada Japan waxaa uu sheegay in ay baarayaan qaabka ay wax u dhaceen