Sawiro:-Tirakoobka shaqaalaha Puntland oo gaaray Gobolka Sanaag

Guddiga tiro koobka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland oo kujira olole ballaaran oo lagu tiro koobeyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa gaarey magaalooyinka Badhan iyo Dhahar ee gobollada Sanaag iyo Highland si’ ay halkaasi uga soo suubiyaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawaladda.

Masuuliyiinta gobolladaasi yo guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa ka hor intaan tiro koobku bilaaban waxa ay siweyn uga qayb qaateen sii diyaarinta iyo abaabulidda shaqaalaha rayidka ah ee ku kala sugan degmooyinka iyo tuulooyinka iyagoona ugu dambayn ku guuleystey inay shaqaalaha isugu geeyaan magaalo Madaxyada labadaasi gobol si’ay guddiga ugu fududaato shaqada tiro-koobku.

Muddadii uu socdey tiro koobku ayaa  waxaa lagu diiwaan geliyey dhammaan shaqaalihiii saxda ahaa ee dawladda hore ugu diiwaan gashanaa iyadoona ay meesha ka baxday tuhunkii ahaa in ay jiraan dad aan shaqo dawladda u hayn isla markaana ku mushahar qaata shaqaalaha dawladda.

Barnaamijka tiro koobka shaqaalaha dawladda ayaa waxa uu kamid ahaa ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa dib u habaynta shaqaalaha rayidka ah ee dawladda, waxaana fududaynta barnaamikan dawladda ka caawinaya Bangiga adduunka.

Hore waxaa tiro koobkan oo kale looga soo sameeyey gobollada Bari, Karkaar, Gaardafuu iyo Mudug iyadoona ay dhiman yihiin gobollada Nugaal, Sool iyo Cayn isla markaana lasoo tiro koobi doono maalmaha innagu soo aaddan