Video:-Shirka wadatashiga hanaanka dib u heshiisiinta oo soo gabagaboobay iyo warmurtiyeed laga soo saaray

Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshisiinta Soomaaliya 17, June 2017
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM,
 
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay,
waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta
oo hal-ku-dheggiisu ahaa “isku daalnaye, maxaynoo dana!” si habsami leh u qabsoomay intii u
dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017.
 
Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid
Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada
oo tiradoodu isku ahayd 220 xubnood.
 
Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen:
 
1. In la sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dalkeena Soomaaliya.
 
2. In la ogaado baahida dib-u-heshiisiineed ee dalka ka jirta una baahan in wax laga qabto.
 
3. In la isla aqoonsado awooddaha, aqoonta iyo xirfadaha aan nabadda ku ilaalin karno waxna kaga
qaban karno khilaafyada iyo yagleelida aasaas nabadeed oo dalka iyo dadka oo dhan gaara.
 
Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo
ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka. Labada qaybood oo kala ahaa:
 
B. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista hannaan dib-uheshiineed
oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran waxaana soo jeediyey khubaro shirka kala shaqaynaysay Wasaaradda.
 
 
1. Xaaladda nabadeed iyo khilaaf ee dalku maanta ku sugan yahay.
 
2. Dib-u-heshiisiinta iyo Dhaqanka Somaliyed.
 
3. Diinta Islaamku waxa ay ka qabto dib-u-heshiisiinta.
 
4. Cadaaladda xilliga kala-guurka iyo dib-u-heshiisiinta.
 
5. Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nabaddaynta iyo xallinta khilaafaadka
 
6. Aragtiyo la xiriira nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Soomaalida laga tirada badan yahay
 
7. Kaalinta warbaahintu ku leedahay nabadda iyo xallinta khilaafaadka
 
8. Waayo-aragnimadii iyo casharradii laga bartay dadaalladii dib-u heshiineed ee bulshadu
hogaaminaysay iyo dadaaladii dhidibada loogu taagay maamuladii hore u dhismay.
 
T. Qaybta labaad waxa ay ku saabsanayd falanqayn ku aadan xal-u-helidda khilaafka iyo mushkiladda ugu weyn ee dalkeenna ka taagan ee heer qaran iyo xog-ururin ay ka-qayb-galayaasha shirku ku lafo-gureen kadibna ku soo bandhigeen khilaafyada baahsan ee ka jira guud ahaan dalka, isla markaana waxa ay soo bandhigeen sidii xal waara loogu heli lahaa.
 
 
Federal Republic of Somalia
Ministry of Interior, Federal Affairs & Reconciliation
 
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Gudaha,
Federaalka & Dib-u-heshiisiinta
 
جمهورية الصومال الفيد را لية
وزارة لشؤون الداخلية
والفيد رالية والمصالحة
Xog–ururintii Ergada Shirweynaha
Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen mawduucyadii loo
soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, heer qaran iyo heer deegaanba u fariistaan isla
markaana u asteeyaan khilaafyada hadda taagan ee wax-ka-qabashada u baahan, heer qaran iyo heer
gobolba. Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada
loo qaybiyey su’aalo hagaya una fududaynaya in ergadu falanqeeyaan khilaafyada heerarka kala duwan
leh.
 
Nuxurka Shirka Kasoo Baxay:-
 
1. In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo
dhammaystiran.
 
2. Si dib-u-heshiisiin waarta, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran loo helo, waa in la dejiyo HANNAAN
(hab-raac dhammaystiran) oo jeexaya waddadii (roadmap) loo mari lahaa dib-u-heshiisiin isu soo
celisa kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay.
 
3. In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dib-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu
kaalmeeyaan.
 
4. In dejinta hannaanka dib-u-heshiisiintu noqdo mid talo badan la galiyey oo turxaan baxsan kalsooni
buuxdana lagu wada qabo, la wada leeyahay, isla markaana abbaartiisu tahay hirgelinta dib-uheshiisiin
gun weyn oo dhab ah, kuna qotonta run, cadaalad iyo is-cafis.
 
5. In hindisaha dib-u-heshiisiinta hogaamintiisa iyo hirgelintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska
leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad.
 
6. In ay dawladdu agaasinto oo fududayso hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta iyada oo la
kaashanaysa dowlad goboleedyada iyo khubarada Soomaaliyeed ee nabadaynta iyo xallinta
khilaafaadka ku xeeldheer.
 
Baaqa Shirka:-
 
Shirku waxa uu ku baaqayaa:
 
1. In ay dowladdu hirgeliso balanqaadkeedii dib-u heshiisiinta
 
2. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso deminta khilaafyada hadda taagan
ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado.
 
3. In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada
iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen.
 
4. In dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyaduba si degdeg ah wax uga qabtaan cadaaladdarrooyinka
sida qaybsiga khayraadka, adeegyada, awoodda (metelaadda). Sidoo kale xadgudubyada
ka dhan ka ah bani’aadanimada arrimahaas oo ay ergooyinkii shirku marar badan kusoo celceliyeen.
 
5. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-u-heshiisiint, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan.
 
Fiiro Gaar ah: dhammaan macluumaadkii laga soo jeediyey shirka oo faahfaahsan waa keyd ummadeed waxaana haysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
 
Dhamaad

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka