Alshabaab oo weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Jabuti ee Buulabarde

Kooxda Al Shabaab ayaa maanta lasoo sheegayaa in weerar culus ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.
 
Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa uu isku bedelay dagaal muddo socday, kaas oo la sheegay in khasaaro uu ka dhashay.
 
Dhinaca kale waxaa maqan isgaarsiinta degmadda, waxaana adag in la oggaado tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka.
 
Warbaahinta kooxda Al Shabaab ayaa baahisay in dagaalyahanno ka tirsan kooxda ay gudaha u galeen degmadda, balse warkaasi ayaa ah mid aan la xaqiijin karin.
 
Xaaladda degmadda ayaa hadda degan sida wararka aanu heleyno ay sheegayaan.
 
Degmada Buulo-burte waxay ku taallaa dhanka qoraxsin ee wabiga shabelle, waxeyna magaalladda Muqdisho u jirtaa 220km.