Dhagayso:-Garaad Bintiland oo si adag uga hor yimid heshiiska Cali Khaliif iyo maamulka beesha isaaq ee Somaliland

Garaad Jaamac Garaad Cali (Garaad Binti land) oo ah Garaad beesha hoose ee Cali Khaliif kasoo jeedo ee Bah Ararsame,ayaa si adag uga hor yimid heshiiska shalay la shaaciyay ee maamulka beesha Isaaq ee Somaliland iyo Cali Khaliif Galayr.

Garaad Bintiland ayaa yiri”Heshiiskaa nama quseeyo nalaguma matalo masiirkayagana ma jaangooyo,inta wiil anaga ah nool yahayna wiil isaaq ah qori ku sidan maayo deegaamadayada”

Garaadka oo hadalka siiwata ayaa sheegay in  uu yahay wax aad looga xumaado oo bahdil ku ah halgankayaga heshiiska Hargaysa lagu galay.

Hadalkan kasoo baxay Garaad jaamac ayaa dhabar jab xoog leh ku ah qorshihii Cali Khaliif,iyadoo lawada og yahay in Garaad Jaamac yahay udubadii Cali Khaliif uu ku taagnaa mid kamid ah,isla markaana  ku garab taagnaa qorshihsiii kala fogaynta Puntland iyo beesha Dhulbahante,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka