Video:-Yuusuf Garaad oo si xun ula dhaqmay dhibane Mahad Abib

Mahad Abib oo ahaa wiil somaliyed oo dhibane u ahaa dawlada Norway oo kala noqotay sharciga dalkaas,isagoo lagu eedeeyay in uu been ka sheegay dhalashadiisa,isla markaana uusan somali ahayn.

Mahad Abib ayaa kula kulmay Norway Wasiirka arimaha dibada dawlada fadaraalka Yuusuf Garaad Cumar,isagoo ka codsaday in uu ka caawiyo dhibka haysta,gaar ahaan warqad Go home oo horay uu uga helay madaxda dawlada fadaraalka taasoo ay dawlada Norway diiday in ay aqbasho una ogolaato in uu dalka kaga baxo.

Sida Mahad Abib sheegay waxaa si khaldan ula dhaqmay Yuusuf Garaad ,isagoo kala kulmay bahdil iyo fogayn Wasiir Yuusuf Garaad.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka