Cajiib war madaxweynaha maxaa nacfiga faraha ugaliyay!!!WQ.Jibril Qoobey

Madaxweyne Gaas maanta waxuu qabtay kulan balaaran oo uu iskugu yeeray bulshada qaybaheeda kala duwan.

Kulankaas oo ka dhacay caasimada bilicda iyo amaanka badan ee Garowe,waxuu madaxweynuhu ku shaaciyay dadkaas hortooda iyo saxaafada oo markhaatiya lacag dhan sadex milyan iyo shan boqol oo kun oo dolar.

Lacagtan waxaa kala helay oo madaxweynuhu sheegay in lagu dhamaystirayo labo mashruuc oo muhiim u ah dalka iyo dadka.

Labadaas mashruuc ayaa kala ah:-

1.Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe. 2500.000. dolar ayuu helay.

2.mashruuca dhismaha wadada Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo.1000.0000 oo dolar ayuu helay.

Hadaba in madaxweynuhu mashaariicdan awalba uu isagu dhagax dhigay hadana dhamaystiro waa waajibkii loo doortay in uu fuliyana waa wax isaga u fiican aakhiro iyo aduunba,balse waxaa is waydiin mudan dhawr arimood oo muhiim ah,kuwaasoo kal ah.

1.Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe dawlada Kuweyd waxay ku bixisay lix milyan oo dolar waana qabyoobay maxaa khaldamay?

2.Lacagtan maanta lagu bixinayo dhamaystirka mashaariicdan halkee ka timid,yaase iska leh,cadadkeedu imisa ayuu ahaa?

Waxaa cajaa’ib leh in lacag aan golaha wasiirada aysan ogayn oo shirkoodii ugu danbeeyay ee khamiistii dhawayd aan lagu soo qaadin laguna xusin warmurtiyeedkii kasoo baxay hadana maanta la shaaciyo,sidoo kale lacag aan soo marin baarlamaanka Puntland,bankiga dhexe ee dawlada in madaxweynuhu soo qaato jeega dahabshiil oo hadana sawir iskala daalo uu yiraahdo waxaan ugu deeqay dhamaystirka labadaa mashruuc.!!!

Lacagtu ma mid madaxweynuhu dhaxal waalidiintiis uga helay baa.

Lacagtu ma mid madaxweynuhu isagu shaqaystaybaa oo uu khasnadiisa kasoo saaraybaa.

Lacagtu ma mid madaxweynaha si gaar ah loogu hibeeyay oo uu mashaariicdaas ugu deeqaybaa.

Jawaabtaas madaxweynaha ayaan ka sugaynaa 24-ka saac ee soo socda intuusanba deeq na siin.