Sawiro:-Faadumo Dayib oo jago muhiim ah loo magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Faadumo dayib oo ka mid aheyd Murashaxiintii Madaxweyne ee Soomaaliya u magacaabay in ay noqoto Madaxa Haweenka Soomaaliyeed ee Q.M.
 
Faadumo Dayib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kula kulantay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo ka mahad celisay qaabilaada iyo soo dhoweynta uu Madaxweynuhu u sameeyay.
 
Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Facebook ayaa ku sheegtay inay ku faraxsan tahay la kulanka Madaxweynaha
Waxaa ay sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha iyo dowladdiisa, waxayna sheegtay inay sharaf u tahay in Madaxweynaha ku wareejiso nuqul ka mid ah qorshaha waajibaadkeyga ee Xafiiska ay madaxda ka tahay.
 
Xafiiska ay madaxda ka noqotay ayaa qaabilsan awood siinta Haweenka iyo sinnaanta Jinsiga, iyadoo ka shaqeyn doonto barnaamijyada Haweenka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.