Video:-Shilkii London oo ay ku geeriyoodeen hal qof sideed kalena ku dhaawacmeen

Nin ayaa dhintay siddeed kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii gaadhi ladulmariyay dad ku sugnaa hareeraha wado ka agdhaw masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London.
 
Nin 48 jir ah ayaa loo xiray shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.
 
Dhacdadan ayaa boolisku ay ku tilmaameen shil aad u weyn.
Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters.
 
Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.
Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.
 
Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.
 
Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka