Sawiro:-Ciidamada PSF oo wada hawlgaladii sifaynta argagixisada ee Buuraha Calmadow

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland (PSF) ayaa 19-kii June, 2017-ka oo shalay aheyd ka bilaabay buuraha Calmadow hawlgalo ay ku sifaynayaan argagixisada alshabaab ee ku dhuumaalaysata Buurahaas.
 
Hawlgaladan ay ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen Buuraha Calmadow,ayay ciidamadu khasaare xoog leh oo iskugu jira dhaawac iyo dhimasho ,waxay ugu geysteen argagixisada alshabaab.sidoo kale waxay kuburburiyeen godod ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada.
 
Ciidamada difaaca Puntland ayaa wada hawlgalo joogta ah oo ay mar walba ku sifeeyaan argagixisada ku dhuumaalaysata buuraha waa weyn dhibka badan ee Calmadow.