Sawiro:-Faahfaahin dheeriya qaraxii ismidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
 
Weerarka, ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, waxaana uu burbur xooggan u geystay xarrunta degmada.
 
Wariyaha idilnews ee Muqdisho,ayaa sheegaya in uu arkay meydadka illaa lix ruux oo daadsan halka qaraxa uu ka dhacay.
 
Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay qaraxan oo dhacay abaare kowdii duhurnimo ee xilliga Muqdisho.
 
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo watay baabuur.