Video:-Daawo muuqaalka qaraxii maanta ee degmada wadajir muqdisho

Waxaa Maanta kadhacay magaalada Muqdisho Qarax khasaaro geystay, kaas oo ay mas’uuliyiin dawladda ahi ku waxyeeloobeen.
 
Warar hoose,ayaa sheegaya in qaraxa lagu soo diyaariyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana uu soo galiyay magaalada darawal aan ahayn kan isqarxiyay.
 
Dhawr jeer oo ayeey ciidanka xasillinta caasimadda siyaabo kala duwan u istaajiyeen, balse mar walba waxa qaraxa uu ka hooseeyay khudaarta lagu soo raray gaariga.
 
Markii usoo galay magaalada hal habeen ayuu ku beryay degmada Wadajir, subixii hore ayaa loo kaxeeyay dhanka Suuqa wayn, mana jirin qof ka shakiya gaariga, maadaama uu waday qudaar, suuqana uu ka ag dhawaa.
 
Mid kamid ah askarta dawlada hoose ee muqdisho,ayaa ku dhagay gaariga oo ay murmeen,kasoo muran dheer kadib usoo kaxeeyay xarunta degmada wadajir,taasoo fududaysay in gudaha xarunta degmada qaraxu ka dhaco khasaare xoog lehna gaysto.
 
Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray hawlgalana ka fuliyay,iyagoo ilaa iyo hada xiray saex askari oo kamid ahaa ilaalada xarunta,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka