War deg-deg ah:-Qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada muqdisho goor dhawayd

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka oo ku sugan Degmada wadajir ayaa goor-dhaw idilnewsu xaqiijiyay in Qarax Culus uu ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.
 
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Barxadda hore ee Xarunta Degmada lamana oga qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay.
 
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu ahaa,wararka ugu badan ayaa sheegaya in uu ahaa Qarax Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday.
 
Magaalada Muqdisho ayaa maanta ilaa xalay waxaa ka taagnaa xaalad cabsi ah iyadoo ay heegan buuxa ku jireen Ciidanka Dowladda fadaraalka kadib markii ay soo gaareen laamaha amaanka xogo sheegaya in qaraxyo waa weyn kusoo wajahan yihiin magaalada.