Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha Boqortooyada

Boqorka Sacuudiga, Salman ayaa wiilkiisa 31 jirka ah ee Mohammed bin Salman u dallacsiiyey dhaxal-sugaha boqortooyada, isaga oo ka dhigay ninka ugu horreeya liiska qofka xiga ee noqonaya boqorka.
 
Mohammed Bin Salman ayaa sidoo kale sii ahaan doona wasiirka gaashaandhigga, isaga oo dushana kala socon doona dadaallada isbedellada loogu sameynayo dhaqaalaha dalkaas.
 
Tallaabadan ayaa loogu dhawaaqay digreeto kasoo baxday boqorka oo ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.
 
Dhaxal-sugihii hore, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salman, Mohammed bin Nayef ayaa laga qaaday dhammaan xilalkii uu hayey, oo uu ku jiro wasiirkii arrimaha gudaha, sida digreetada lagu sheegay.
 
Mohammed bin Salman oo ahaa ku xigeenka dhaxal-sugaha, ayaa sidoo kale iminka noqon doona ra’iisul wasaare ku xigeenka Sacuudiga.
 
Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in is-beddellada maanta la sameeyey ay ansixiyeen 31 ka mid ah 34-ka xubnood ee golaha baayacada ee boqortooyada Sacuudiga.
 
Boqor Salman ayaa xukunka qabtay sanadii 2015 kadib geeridii walaakiis ay isku aabaha ahaayeen boqor Cabdalla.