Ciidamada Belgian oo toogtay nin looga shakiyay in uu is qarxinayo

Ciidamada dalka Belgian ayaa toogtay nin looga shakiyay inuu damacsanaa inuu isku qarxiyo goob tareenada laga raaco bartamaha magaalada Brussels ee caasimada dalka  Belgian.

Booliska ayaa toogtay ninkan kadib markii uu qarxiyay qalab uu watay kaasoo aan waxyeelo geysan sida ay ciidamada Booliska sheegeen.

Sida uu daabacay wargeyska La Libre oo soo xiganayay xeer ilaaliyaasha ninka la toogtay ayaa xirnaa suunka la isku qarxiyo qalab kale.

Qaar ka mid ah saxaafada wadanka Belgian oo ay ku taal xarunta ururka Midowga Yurub ninka la toogtay ayaa ku qeylinayay “Allahu Akbar” kahor inta uusan qaraxu dhicin.

Illaa iyo hadda lama xaqiijin in ninka doonayay inuu isqarxiyo la diley iyo inkale,balse waxaa la xirey fiidnimadii caawa xilliga dalka Belgian inta badan qadadka tareenka magaalada iyo baararka ku yaal agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkan hase yeeshee Bishii March 2016 ayaa 32 ruux ay ku dhinteen 300 ku dhaawacmeen weerar ay sheegteen ururka IS oo ka dhacay magaalada Brussels.