Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda dalka Uganada maanta

Madaxweynaha fadaraalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi u hogaaminayo,ayaa Maanta u dhoofaya wadanka Uganda.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa Casuumad ka helay Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Museveni,
 
Uganda ayaa waxaa somaliya ka jooga Ciidamo ka badan 5 Kun oo askari,kuwaasoo ka mid ah Howlgalka Midawga Afrika ee AMISOM.
 
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah Safarkii 12-aad ee Dalka uu uga baxo,sidoo kale safarka Madaxweynaha,ayaa ah kii Afraad oo uu ku tago Wadamada Dariska ah,isagoo horay u tagay dalalka Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti oo dhamaan ay Ciidamo ka joogaan gudaha Wadanka Soomaaliya.