Video:-Amiirka cusub ee sacuudiga oo xilkii kala wareegay amiirkii hore

Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen Amiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman iyo Amiirkii hore ee Boqorooada Mohammed bin Nayef.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay xubno badan oo kamid ah Qoyska Boqortooyada Sacuudiga waxaana taageero xoogan loogu muujinayay Amiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman oo ah nin 31-sano jir ah uu dhalay Boqorka dalkaasi.

Amiirka Cusub ee Boqorooada Sacuudiga Mohammed Bin Salman ayaa la arkayay isaga oo xushmad weyn u muujinaya ina adeerkiisa xilka looga qaaday, waxa uuna gacmaha iyo qeybo kalaba ka dhunkaday Dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Mohammed bin Nayef.

Boqorka Sacuudiga ayaa Darajadii Amiirka ama dhaxa sugaha ka qaaday Mohammed bin Nayef waxa uu sidoo kale ka qaaday xilkii Wasiirka Arimaha gudaha, waxa uuna Amiirka cusub u magacaabay Boqorka Wiilkiisa oo horey u ahaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo R/Wasaare kuxigeen,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

Saudi Arabia’s Crown Prince Mohammed bin Salman (R) shakes hands with a member of the royal family during an allegiance pledging ceremony in Mecca, Saudi Arabia June 21, 2017. Bandar Algaloud/Courtesy of Saudi Royal Court/Handout via REUTERS