Video:-Masjidkii weynaa ee qadiimka ahaa Al-Nuri ee Mosul oo la burburiyay

Masjidkii caanka ahaa ee al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeertay ee al-Hadba ee magaalada Mosul, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish.

Sarkaal ka tirsan milatariga Iraq ayaa sheegay in ciidamada Iraq ay 50 meter u jireen masjidka markii mintidiinta Daacish ay burburiyeen arbacadii.

Wakaaladda wararka Dacaish ee Amaq ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay war kaas ka duwan, oo ah in diyaardaaha dagaalka Mareykanka ay burburiyeen masjidka.

Saraakiisha Mareykanka iyo xulafadooda ayaa durba diiday sheegashada kooxda Daacish.

Masjidkan oo loo yaqaan Masjidka Weyn ee Mosul ayaa dhisnaa in ka badan 800 oo sano, waxaana uu ahaa masjidkii uu khudbadda ka jeediyey hoggaamiyaha daacish Abu Bakr Al-Baghdadi, sanaddii 2014.

Burburinta masjidka ayaa timid ayada oo ciidamada Iraq oo taageero ka helaya isbaheysiga ay maalintii afaraad wadaan howlgal ka socda degmada da’da ah ee Mosul, oo ah halka ugu dambeysa ee Daacish ay ka maamusho magaalada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka