Dhagayso:-Wasiirka isgaarsiinta fadaraalka oo faahfaahiyay sharciga la ansxiyay

Xilli maalintii shalay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen xeerka isgaarsiinta dalka ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dawladda Federaalka Soomaaliya Eng: Cabdi Canshuur Xassan.

Mudane Canshuur ayaa sheegay in xeerkan uu leeyahay ahmiyad wayn, isagoo xusay in uu tiir dhexaad u yahay horumarka la doonayo in dalka uu ka sameeyo dhinaca Isgaarsiinta.

“Xeerkan waxa uu kala caddaynayaa waajibaadka ay kala leeyihiin shirkadaha Isgaarsiinta iyo dawladda, sida loo maaraynayo amniga, qaabka loo wadaagayo dakhliga iyo arrima kale oo badan ayuu nidaaminayaa” ayuu yiri Mudane Canshuur.

Xeerkan oo soo jiitamayay 9-kii sano ee ugu dambeeyay ayaa soo maray heerar kala duwan, waxaana wasaaraddu ay dhinacyada uu quseeyo oo dhan ay kala samaysay wadatashi, sida dawlad goboleedyada iyo shirkadaha isgaarsiinta, waxaana la filayaa in  Baarlamanku ku meelmariyo Kalfadhigooda soo socda si loo dhaqangaliyo, taasoo uu xusay wasiirku inay ku rajo waynyihiin,hoos ka dhagayso codka wasiirka.

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka wasiirka