Dhagayso:-Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo laga saaray liiska argagixisada maraykanka

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.

Shan sano ka hor, bishii June ee 2012 ayaaa la saarey madaxa Abu Mansoor 5 Malyan oo doolarka Mareyka ah. Khuburada ka faaloota Al-shabab iyo arrimaha gobolka ayaa u arka tani in ay tahay, in dowlada Mareykanka aysan hab ciidan oo kaliya ku wajahaynini dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.

Dad badan oo siyaasadda Soomaalida aad u qiimeeya ayaa aaminsan in dawladda Qatar ay fududeysay heshiiska labada dhinac, islamarkaana dhawaanahan uu wada hadal uga socday magaalada Doha laba dhinac.

Heshiiska waxaa qayb ka ahayd in Mansuur laga saaro liiska argiggixisada, baddalkana uu isna jabhaddiisa kusoo wareejiyo dawladda Federaalka, inkastoo aragtidaas ay ka biyo diideen garabka taabacsan Rooboow, haddana waxaa la isla gartay in marka hore laga saaro liiska argiggixisada, kaddibna heshiiska uu halkaasa kasii socon doono.
 
Fahad Yaasiin ayaa dhex dhexaadiye wayn ka ahaa, maadaama uu aqoon shakhsiyadeed uu u leeyahay Sheekh Mansuur, sidoo kalena uu dulaal u yahay dawladda Qatar, taas ayaa fududeysay in ay xilli hore is fahmaan labada dhinac.

,hoos ka dhagayso codka faahfaahinta warkaas.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka warka faahfaahintiisa