”IOM 2017 waxaA ku geeriyooday Bada Libiya iyo Talyaaniga u dhaxaysa 2000 muhaajiriin ah”

IOM ayaa shaacisay Tiradii ugu badneed 6 bilood oo kaliya ku dhintay Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga taas oo noqotay Culees aduunka ku soo kordhay.
Tirada Muhaajiriinta ku dhintay ama lagu la’yahay badda Medeiterranean-ka sanadkan 2017-ka ayaa kor u dhaaftay in kabadan 2,000 oo qof sida ay sheegtay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Socdaalka ee IOM waxaana ay sheegtay in meesha ugu badan ee aad loogu dhinto ay tahay biyaha u dhaxeyeeya Libiya iyo Talyaaniga.
Inkastoo hay’adda socdaalka qaramada midoobay warkan ay soo saaratay uu yahay mid kayar tirade la diiwan geliayay sanadii hore ayaa afayeenka IOM Joel Milman waxa uu magaalada Genava ka sheegay in sanadka 2017-ka uu yahay sanadkii afaraad oo kor ay kacdo tirada muhaajiriinta ku dhimanaya biyaha caalamiga ee Mediterranean-ka .
Tan iyo markii uu bilowday qulqulka muhaajiriinta iyo qaxootiga sanadii 2013-kii ku dhawaad 15,000 oo muhaajiriin ah ayaa nafsadooda ku waayay kuwaa oo isku dayayay in doon ay ku gaaraan qaarada Europe.
Waxaana dalalka qaarada Europe gaaray ku dhawaad 84,000 oo muhaajiriin ah oo doon kaga soo talaabay badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga intooda badana waxa ay soo gaareen dalka Talyaaniga.
 
Muhaajiriintaan ku geeriyooday biyaha u dhaxeeya liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxay u badan yihiin Soomaaliya iyo Ethiopia iyo Eritrea in kastoo ay ku jiraan wadamo kale oo African iyo carab ah.