Sacuudiga oo “fashiliyay” weerar lagu qaadi rabay Maka

Wasaarada arrimah gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ku tilmaameen argagixiso qorshaynaysay in ay bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Maka.
Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay.
 
Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan .
 
Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha.
 
Malaayiin qof oo Muslimiin ah oo ka kala timid daafaha caalamka ayaa isugu soo uruuray magaalada Maka dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaanka si ay u cumreystaan.
 
Saraakiisha Sacuudiga ma bixin faahfaahin ku aadan weerarkan la fashiliyay.
 
Sacuudi Carabiya ayaa sanadihii u danmbeeyay waxa soo maray weeraro is xig-xiga oo ay dad ku dhinteen , qaar badan oo ka mid ah weeraradan waxaa sheegataay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.
 
Weeraradaas ayaa waxa inta badan lala bartilmaameedsaday dadka Shiicada ah ee looga tirda badan yahay dalkaasi iyo ciidammada ammaanka.
 
Bishii July 2016, afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina