Video:-Madaxweyne Gaas oo shacabka caasimada la tukaday salaadii ciida

Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummaada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

”Ciid mubaarik, Ciid mubaarik, waxaan u hanbalyay nayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba, waxaan si gaara ugu hanbalyay nayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo inoo suura geliyey inaan midnimo ku ciidno, nabad isugu nimaadno, farxadna ku ciidno, Puntland waa amni Illaahay fadligiisana ayay ku ahaatay, dabcan inbadan oo ku dedaashay waa ay jirtaa in Puntland nabad ahaato dawladd iyo shacabba iyana waa ay mahadsan yihiin shaqadaa ay qabteen” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

”Waxaan rabnaa marka inaanu amnigayaga sii xejisano, inaanu sii badhi taarno, inaanu sii adkaysano” ayuu yiri Madaxweynuhu,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka