Markab Dagaal oo ku degay xeebaha Bari ee Puntland

Dadka ku dhaqan deegaanyo Murcanyo oo qiyaastii 44 km u jirta degamada Caluula ee xeebaha Puntland ayaa ku soo waramaya inay arkeen Markab weyn oo ay u maleeyeen kuwa dagaalka oo qarxaya muddo ka dibna biyaha quusay.

Qaar ka mid ah kaluumeysata iyo dadka deegaanka oo ay VOA-du la hadashay ayaa sheegay inay u maleynayaan in qaraxa uu ka dhex dhacay markabka oo nooca dagaalka ah.

Waxey sheegeen in laba Markab oo kale oo kuwa dagaalka ah oo u soo gurmaday ay illaa iyo hadda taagan yihiin halka uu markabka ku degay oo Murcanyo u jirta ilaa iyo afar mile.

Ma cadda waxa dhabta ah ee qaraxaasi uu ahaa, waxeyse dadka deegaanku sheegeen inuu aad u xooganaa.

Kalluumeysata deegaanka ayaa walaac ka muujiyay waxa dhacay, iyagoo ka cabsi qaba saameynta deegaanka ay ka kaluumeystaan ay ku keeni karto, haddii sida ay sheegayaan uu noqodo Markab qarxay oo degay.

 

 

Xigasho VOA.