Maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka oo qeyb ahaan fasaxday xayiraadii Trump

A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa fasaxday in la dhaqangeliyo qeyb ka mid ah amarkii xayiraada socdaalka ee Trump inta ay maxkamaddu ka baaraandagaysa sharci ahaanshaha amarkaasi.
 
Amarkaasi ayaa ka mamnucaya muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin u badan oo ay Soomaaliya ku jirto inay u safraan Mareykanka muddo 90 maalmood ah. Wuxuu sidoo kale si ku meel gaar ah u hakinayaa barnaamijka qaabilaada qaxootiga muddo 12 maalmood ah.
 
Amarkan ayaa waxaa horay u diiday maxkamadaha hoose ee Mareykanka, taasoo ku qaaday in Aqalka Cad uu racfaan ka qaato.
 
Maxkamadda ugu sarreysaya ayaa haseyeeshee amarkan sheegtay inuusan khuseyn doonin ajaaniibta dalalkaasi ee ”xiriirka macuuqlglka ah” la leh Mareykanka, sida shaqo, waxbarasho ama xubnaha qoyskooda oo ku nool Mareykanka.
 
Madaxweyne Trump ayaa amarkan ku tilmaamay guul cad , wuxuuna ku dooday in xayiraada ay ka difaaci doonto Mareykanka khatarta uga imaaneysa dalalkaasi.
 
Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay inay ka baaraandagi doonaan dacawadda ah inay xayiraada gebi ahaanteedba laalaan iyo in kale.
 
Amarka madaxweyne Trump ayaa kol hore la kulmay caqabado markii garsoorayaasha maxkamadaha federaalka ee Hawaii iyo Maryland ay ku tilmaameen mid dadka kala soocayo.
 
Xayiraadan oo uu soo saaray Trump bishii January ayaa horseeday muddaaharaadyo ka dhacay garoomada waaweyn ee dalka Mareykanka.