Video:-Madaxweynaha Fadaraalka oo Ubax dhigay taalada Daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Ubax Dhigay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 Ubax dhiga ka dib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda halkaas wuxuu kula hadlay boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in Nabada iyo Midnimada laga wadashaqeeyo.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in loo midoobo sidii looga soo horjeesan lahaa dadka Nabada diidka ah ee doonaya inay kala qaybiyaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan sanadkiisa uu rajaynayo in la gaaro Soomaaliya oo ku jirta Xaalad sidaan ka wanaagsan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halan ka daawo muuqaalka