Dhagayso:-Gudoomiyaha Caluula oo ka hadlay Markabkii ku degay xeebaha Bari ee Puntland

Ayadoo warar soo baxayey ay sheegayeen in qarax laga maqlay markab taagnaa meel ku dhow xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Puntland waxa ay faah faahin ka bixisay jiritaanka warkaasi iyo ilaa hada xogta laga hayo.
 
Maxamed Axmed Caynab oo ah Guddoomiyaha gobolka ay ka tirsan tahay Caluula ee Puntland oo wareysi uu bixiyay,ayaa sheegay in dadka deegaanku ay kusoo war geliyeen in markab kuwa dagaalka ah oo taagnaa xeebta Caluula uu markab kale oo dagaal gantaal ku dhuftay ayaga oo taasi ka duulayana ay tageen goobta.
 
“waxaan tagnay goobta naloogu sheegay in markabka uu ku qarxay, dadku qaar waxeey kuu sheegayaan in markabka uu markab kale gantaal ku dhuftay oo halkaa uu ku quusay balse anagu goobta markii aan gaarnay maanta haba yaraatee kuma aynaan arag wax raad ah oo muujinaya in goobta markab lagu gubay iyo qasaaro kale toona”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Axmed Caynab,hoos ka dhagayso codka Gudoomiyaha Caluula.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha Caluula