Juxaa wadaniyad ayuu muujiyay ee Kudayo Juxaa hadaad masuul tahay

Juxaa waxuu fariin udiray kuwa kasoo jeeda Puntland ee Xamar ka haya kuraasta ee aan saamaynta ku lahayn dhulkooda.

Juxaa fariintiisu waxay si cad ugu socotaa ama u taabanaysa wasiirada,wasiir xigeenada,Agaasimayaasha iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee aan dib usoo eegin dhulkii laga doortay uguna danbayso subaxii ay dantoodii gaareen marka xigta ee ay kusoo laabtaana ay tahay subaxa ay dib u doorasho rabaan.

Juxaa waxuu muujiyay in uu yahay nin dhul iyo dad leh oo aan ahayn masaafursi Xamar ujooga muquunin.

Juxaa waxuu muujiyay nabada,nidaamka iyo kala danbaynta ka jirta Puntland.

Juxaa waxuu muujiyay bilicda iyo sida dhulweynaha Puntland u yahay dhul qani ah.

Juxaa Waxuu dhiiragaliyay qof walba oo damiir dal jacayl ku jiro.

Juxaa rabi ha barakeeyo isaga iyo qoyskiisa.

Jibril qoobey.