Hay’ada cunada aduunka oo sheegtay in somaliya wali ay ka jirto abaar

Hey’adda cunada iyo beeraha ee QM FAO ayaa sheegtay Soomaaliya ay wali ka jirto abaarta taas oo loo sababeeyay roobabkii gu’ga oo yeraaday qeybo kamid ah dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin hey’adda soo saartay.
 
Dhulka miyiga ah dadka ku nool ayay hey’addu sheegtay in ay yihiin kuwo ugu daran oo biyo la’aanta heysato marka loo eego dadka magaalooyinka ku dhaqan.
 
FAO ayaa sheegtay sidoo kale, in si looga gudbo xaaladaha abaaraha ee ku soo laa laabta Soomaaliya loo baahan yahay in la sameeyo qorshe waqti dheer ah oo lagu hirgelinayo mashaariic abaarta looga hor tagayo.
 
Xilli roobaadkii gu’ga ayaa hey’adda FAO waxaa ay sheegtay in deegaanada Somaliland iyo Puntland roob wanaagsan oo ku filan uu ka da’ay halka gobolada koofureed aysan helin roobabkii gu’ga xadigii la rabay.
 
Hey’adda FAO ayaa sidoo kale warbixinteeda ku xustay in dhammaadka sanadkan 2017 ay suurtagal tahay in cilmilada ELNINO laga dareemo Soomaaliya, taas oo keeni karta in xilliga deyrta roobab wanaagsan ka da’aan Soomaaliya.