Maraykanka oo ciidankisii kala soo baxay dalka Afgaanistaan

Xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka, James Mattis, ayaa sheegay in ciidanka dalkiisa uu si degdeg ah uga soo baaxay dalka Afghanistan, oo ay haboonaan lahayn inuu muddo sii joogo dalkaasi.

Waxa uu kala hadlayay dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO istaraajiyadda mustaqbalka ee Maraykanka, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dalkaasi uu qorshaynayo xoojinta askarta ka joogta Afghanistan.

Maraykanka ayaa si weyn u dhimay ciidanka ka joogay Afghanistan, waxaana dabayaaqadii 2014 uu ammaanka dalkaasi gacanta u geliyay ciidamada loo tabababary.

Wixii markaa ka dambeeyay ayaa waxaa soo xoogaystay Taliban iyo weliba ururka isku magacaabay dowladda Islaamka oo dalkaasi xarumo ku yeeshay.

Ciidamo waxyar ka badan 13 kun oo ka socda NATO ayaa hadda ku sugan Afghanistan, waxaana ay gacan siiyaan ciidamada dalkaasi.