Video:-Safiirka maraykanka ee Soomaaliya oo gaaray Hargaysa

Wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen Schwartz, ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada Hargeysa.

Safiirka waxaa socdaalka ku wehelinayay madaxa hay’adda Maraykanka u qaabilsan caawimooyinka dibedda ee USAID.

Wafdigan ayaa kulamo la yeeshay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliland, ahna madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici), golaha wasiirada iyo sidoo kale guddida doorashada.

Kulankaa Kaddib ayeey warbaahinta u sheegeen ujeeddada socdaalku in ay la xiriirto doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan iyo arrimo kale,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka