Laba Qarax oo ka dhacay muqdisho maanta

Laba qarax oo loo adeegsaday miinooyin kuwaasi oo mid lala eegtay gaadiidka AMISOM kan kalena baabuur ay la socdeen xubno ka tirsan milatariga dawladda, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
 
Sarkaal ka tirsan ciidanka dawladda ayaa dhintay mid kalena wuu dhaawacmay kadib markii qarax loogu xiray baabuur ay la socdeen agagaarka isgoyska EX-Kontorool ee Afgooye.
 
Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijyay in qaraxa uu ahaa mid Baabuurka lagu soo xiray islamarkaasna qeybta darawalka ku aadan uu xoogiisa ka dhacay.
 
Sidoo kale Goob-joogayaasha waxeey xaqiijiyeen in markii uu qaraxa dhacay kadib ay arkeen mid kamid ah askartii saarneyd oo uu Hilibkiisa go go’ay.
 
Ilaa iyo hada majirto koox sheegatay qaraxyadan, balse inta badan al-shabaab oo ciidamada Doowlada iyo kuwa AMISOM dagaal kula jirta ayaa inta badan sheegata qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhaca magaalada Muqdisho.