Xayiraadii Trump ee wadamada islaamka oo xalay dhaqan gashay

Dadka ka soo jeeda lix dal oo Muslimiintu ku badan yihiin iyo dhammaan qaxootiga raba in ay Maraykanka u safraan ayaa hadda ka dib la kulmi doona shuruudo ka adadag sidii hore, arrintaas oo ka dhalatay xayiradda Trump ee muranka dhalisay.
 
Shuruudahan ayaa saamaynaya dadka ka imaanaya Soomaaliya, Liibiya Suuriya, Suudaan iyo Yemen.
Xayiraaddaas socdaalka oo marun baday dhalisay waxaa markii hore hor istaagay maxkamado hoose.
 
Sida uu dhigayo sharcigan cusub oo BBC-da loo xaqiijiyay, 90ka maalmood ee soo socda looma ogolaan doono in ay dalka Maraykanka soo galaan dadka aysan qaraabo dhaw ka joogin.
 
Qaraabo dhaw waxaa lagu qeexay, waalid, xaas, carruur, wiilka iyo gabadha sodoh ama sodog loo yahay iyo walaalo.
 
Qaraabo dhaw waxaa laga reebay ayayda iyo awawga, eedooyinka, habaryaraha, adeerada iyo abtiyaasha, gabdhaha iyo wiilasha ay walaaladaa dhaleen, xididka, qaraabada kale iyo carruurta ay carruurtaadu dhaleen.
 
Waxaa mamnuucitaanka laga reebay dadka dadka xiriir ganacsi ama mid waxbarasho la leh dalka Maraykanka.
 
Si kastaba ha ahaatee shuruudahan cusub waxay si gaar ah u xusayaan in xiriirku uu noqdo mid la ogyahay oo caddayn loo hayo si caadi ahna ku yimid oo aan lagaga lagaga xeeladaysanaynin sharcigan cusub.