Farmaajo oo ka baaqday shirka Adis iyo Khayre oo matali doona somaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu uhoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
 
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka qeyb galaya shir ay leeyihiin midowga Africa, kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan.
 
Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Afrika iyo bajadka uu ku shaqeynayo.
 
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka cudur daartay shirkaas, waxaana bedelkiisa uu udiray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay dhaliilo dhanka safarada ah, tan iyo markii xilka loo doortay, waxaana uu dalka ka safray illaa 11 jeer muddo boqol maalmoodah waxaase xusid mudan sababta madaxweynuhu ugu doortay safaradiisa oo ka baaqanayo kuwiisa ku wajahnaa itoobiya.