Maraykanka oo farta ka saaray Qadar hindise shan qodob ah oo lagu soo afjaryo xiisada Khaliijka

Wargeyska Al siyaasa ee ka soo baxa
 
Dalka Kuwait ayaa soo qoray hindise cusub oo dawli ah kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisada Khaliijka
 
Wargeysku waxa uu sheegay in labada wasiiro dibadeed Maraykanka iyo Qadar ay hindisahan kawada xaajoodeen,wargeysku waxa uu intaa raaciyay in Maraykanka uu dhaqan gelin doono halka Kuwait ay kormeere ka noqon doonto waa hadii ayuu wargeysku sheegay ay isbahaysigu ogalaadaan Shanta qodob ee hindisahan ayaa ah
 
1 In Sheekh Yusuf al Qardaawi iyo Xamas laga saaro dalka Qadar
 
2 In ciidamada Turkigu ayku laabtaan dalkoodii
 
3- in dusha la gala socdo xawilaadaha maaliyadeed ee ay Qadar u dirsyso dhinacyada dagaalyahaniinta
 
4 In Qadar u soo gudbiso dhinacyada amaanka ee Maraykanka dhamaan dukumentiyada gaarka ah ee la xiriira ururada ku sugan dalkeeda
 
5 In Telefishanka Jazeera uu yareeyo barnaamijyada kicinta ah ee xanafta leh ee ka dhanka ah isbahaysiga isla markana uu Ku ballan qaado inuusan weerarayn Masar iyo khaliijkaba.