Sansaan xornimo – Cismaan Yuusuf Keenadiid AUN mid ka mid ah Gabayadisii xornimada

Sansaan xornimo – Cismaan Yuusuf Keenadiid AUN
Arar:

Sansaan xornimo (ama.Samow Maxamadow), waa gabayga ugu dheer, gabayadii Allaha u naxariistee Cismaan Yuusuf Keenadiid (1899 – 31.08.1972).

Gabayga wuxuu tiriyay xornimadii ka hor, kolkii ay qaramada midoobay guddoomiyeen in 1960ka soomaalidu xor noqoto oo qaran noqoto. Gabayga gudihiisa waxaa Cismaan ku soo qaaday tolal iyo qarammo badan oo adduunka, taasoo uu ula jeedo in bishaarada wanaagsani meel walba saabatay.
Haddaba, waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa keliya baydadka uu ku sheegayo meelaha khabarka suubani gaaray iyo gunaanadka gabayga.

********
Safka Meheri sayxuud inta leh, amase reer Suurka
Mukulliga sawaacigu galiyo, suuqa Cadan weyn ah
Sanca iyo intaa laga xukumo, seeraha iimaamka
Saldanada Ciraaq iyo raggaa, suuriyada haysta
Sucuudiga bilaadkiisa iyo, siinaddii Xaramka
Arlada suubban samihii Xijaas, sabarradii Daa’if
Saldanada Bengaasiyo Tabruuk, saajacyada jooga
Sanuusi iyo Liibiya kurteed, saadada u qiiman
Kuwa bidixda kaga saafsan iyo, siibadaha Tuunis
Bur-Saciid Suweys iyo Masriyo, socotadii Niilka
Sengaal iyo sariiraha Khurduum, nimanka Soodaan ah
Sawaakin iyo siinkii Asmara, soohdintii Xabashta
Sokay iyo Danaakilada taal, saaxillada xeebta
Sifka Adari saaqii Shawiyo, Sababa guudkeeda
Amxaaruhu intuu saaran yahay, tan iyo Siidaamo
Suud Afrika suuqii Kilwiyo, saraha Nayroobi
Simawaranga Daaraha Salaam, iyo sinnaadkooda
Sinjibaar sawaaxili kurteed, sararihii Keenya
Jahaduu sakino reer Hindigu, sudaha Raanguun leh
Bunbey sooreheediyo intuu, Siiggu ku hoyaado
Saracii Karaashiyo Bengaal, sadarradii Kaabul
Meeshuu ku sugan yahay Jabbaan, surinnaduu yaallo
Sangafuura Sayloon dhulka leh, Siina iyo Jaawa
Surwada Awstaraaliyo xirfada, lagu sancaynaayo
Siyaadada betroolkiyo Kuweyt, samaha loo dhiibey
Salaaddiinta Iiraan fadhida, sulubyadii Faaris
Arlada samarqandaa iyo Bukhaar, suxaradii Baabul
Saaxiibbadii Hollanda iyo, siirka Filibiini
Serbiyada Isbaanyiyo Madrid, sidatan loo qaabay
Saamaha ka haray reer Andalus, sebennadii Daariq
Sakadahakan Mooskiyo halkuu, sal u lahaa Ruushan
Faransuhu halkuu saacitiyo, sadaxyadii Baaris
Sijiilyiyo Talyaanniga fadhiya, sabadka Miilaano
Suldaannada Giriig iyo Turkiya, reer Suweysarada
Iglan sabarradeediyo Berliin, saamka laga meershey
Sinbayr iyo Maraykaankaa yaal, badaha seenkooda
**********
Sankuneefle meeluu jiraba, saaqyey khabarkeene
Telegraafka seeraarayiyo, siligyadaw geyne
Subax noolba ‚joornaalistahaa‘, sugaya xaalkeene
Naloo sayngaree qarantinnimo, semenka maantaahe
Saraakiisha iyo dawladuhu, saare ‚feermada’e
Salaan iyo in laynoo shugriyey, siimankaa wadey e
Niyada noo sifowdiyo himmada socon ayaan noolba
Iyo waxa ka sii suubbanaan, weli sugaaleyno
Allaha noo sakhiro waa adduun, sanac ku laabnaaye

Cismaan Yuusuf Keenadiid.