Video:-Daawo khudbadii madaxweyne Gaas ee xuska 1-da Luulyo

Madaxweynaha ayaa ugu horayn salaan ka qaatay ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale ciidanka baanboydda, waxaana uu Madaxweynuhu kahadlay muhiimadda ay leedahay maalintani, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu falan qeeytey oo dib ugu laabtay tariikhdii gumaystaha.

”Waxay maanta ugu danbaysaa maalmo taariikhi ah Soomaaliya tariikhdeeda baal dahaba kaga yaala oo ku xusan  26 June oo ah maalintii ugu horeysey oo calan Somaaliyeed lasaaro goboladii la odhanjirey British Soomaalilandna ay qaateen xuriyadooda, calankii la sudhay calan kale ma’ahayne calankeenuu ahaa, waa calankii Cabdulaahi Timacade lahaa’sareeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eegee kana-siib kana-saar” danbcan 27 June waxay ahayd maalinta xuriyadda Jabuuti ee walaalaheen ah, Soomaalina ah waan ku bogaadinaynaa xuriyadooda iyo dawladdnimadooda aad baanuna ugu farax sanahay, dabcan 1 Luulyo-na waxaas oo dhan bay kulminaysaa ” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka