Video:-Maalinta xoriyada ee 1-da Luulyo oo si weyn looga xusay muqdisho

Munaasabad ballaaran oo xalay ka dhacday xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo lagu maamuusayay muhiimadda maalintaan ku astaysan midowgii labada gobol iyo ka xuroobiddii gumaystihii Talyaaniga gobollada koonfureed, ayaa waxaa ka qayb galay madaxda dalka sida, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha gobolka iyo mas’uuliyiin kale.
 
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in mar kasta laga maarmi doonin in dib ay u midoobaan Ummadda Soomaaliyeed isla markaana dib loo soo celin doono wada hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto Maamulka Soomaaliland.
 
Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagayaa sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo hadda laga joogo 57 sanadood,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad