Video:-Puntland oo si weyn looga xusay maalinta Xoriyada ee 1-da Luulyo

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 01-July-2017 ugu hambalyeeyey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland 57-sano guuradii ka soo wareegtey xilligii ay gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-Luulyo-1960-kii, isla markaana ay midoobeen gobollada woqooyi iyo gobollada koonfureed ee dalku.

Munaasibadda lagu weyneynaayey maalintaasi taariikhiga ah oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cadixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey, guddoomiyaha golaha wakiiladda  Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, nabadoono, cuqaal, waxgarad, ururada haweenka, kuwa dhalinyaradda iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn salaan ka qaatay ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale ciidanka baanboydda, waxaana uu Madaxweynuhu kahadlay muhiimadda ay leedahay maalintani, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu falan qeeytey oo dib ugu laabtay tariikhdii gumaystaha.

”Waxay maanta ugu danbaysaa maalmo taariikhi ah Soomaaliya tariikhdeeda baal dahaba kaga yaala oo ku xusan  26 June oo ah maalintii ugu horeysey oo calan Somaaliyeed lasaaro goboladii la odhanjirey British Soomaalilandna ay qaateen xuriyadooda, calankii la sudhay calan kale ma’ahayne calankeenuu ahaa, waa calankii Cabdulaahi Timacade lahaa’sareeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eegee kana-siib kana-saar” danbcan 27 June waxay ahayd maalinta xuriyadda Jabuuti ee walaalaheen ah, Soomaalina ah waan ku bogaadinaynaa xuriyadooda iyo dawladdnimadooda aad baanuna ugu farax sanahay, dabcan 1 Luulyo-na waxaas oo dhan bay kulminaysaa ” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in laga gaashaanto dhibtii dhacday inay dhacdo Todobaatan  sano kabacdi, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay tahay lagama maarmaan in lahelo dawladd Soomaaliyeed oo ka turjumayso salkana ku hayslo Diinteena, dhaqankeena iyo midnimadeena.

Madaxweyne ku xigeenkaPuntland ayaa dhankiisa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kastay joogaanba, waxaana uu xaqiijiyey in maalintani muhiimad gaara ku leedahay Soomaalida madaama ay tahay maalintii midawga ummad Soomaaliyeed, sidoo kale waxaauu Madaxweyne ku xigeenku sheegay in Puntland markasta diyaar u tahay midnimada Soomaaliyeed.

Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland oo hambalyo iyo bogaadin usoo jeediyey shacbiga Soomaliyeed, ayaa sheegay in maalintani ku astaysan tahay maalinta middawga Soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in lasku raaco midnimo iyo waddajir, sidoo kale waxa uu sheegay guddomiyuhu in wax lagu faano oo Illahay looga mahadnaqo ay tahay dad isku dina, isku dhaqana, isku midaba inay Soomaalidu yihiin.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in Puntland ay Soomaali  tahay, Soomaaliyana Puntland ay tahay gobonimadoonkiina shacbiga Puntland ay doorfiican ka qaateen, ka gadaal intaasi waxa  dhammaan masuuliyiinta munaasibada ka soo qayb gashay u istageen saaridda ama kor u qaaddida calanka Soomaaliyeed, ”kanasiib kanasaar”.

—DHAMMAAD—  

 

     

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka