Itoobiya oo ku wareejisay Ra’isalwasaare Khayre 120-Maxbuus oo muwaadiniin Somali ah

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku guuleystay in maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xasabsiyada dalka Ethiopia lagu Soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,isagoo dhinaca kalena kulammo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Africa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia.
 
Ra’isulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku jooga dalka Ethiopia ayaa ku guuleystay in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo maxaabiis Soomaaliyeed oo sanado kala duwan ku xirnaa xabsiyada dalka Ethiopia islamarkaana lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,iyadoo dowladda Ethiopia fulinaysay heshiis horay uu Ra’isul wasaaraha Xasan Cali Khayre la galay.
 
Maxabiistan oop danbiyo kale duwan loo haystay ayaa tiro ahaan garaya 120 Muwaadin waxa ayna bilow wanaagsan u yihiin hirgalinta qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku soo dayso Muwaadininta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Caalamka,
 
“Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay “ ayuu ku yiri ra’isul Wasaaruhu qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
 
“Safarkeygii hore waxaan Dowladda Itoobiya kula heshiinay in ay nagu soo wareejiso Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkeedda” ayuu sii raaciyay
 
Ra’isulwasaare Khayre ayaa sidoo kale kulammo kala duwan kula qaatay Addis Ababa Madaxweyne ku xigeenka dalka Masar , Madaxweyne ku xigeenka Botswana iyo Madaxweynaha bankiga horumarinta Africa.
 
Dhamaan madaxda Ra’isalwasaare Khayre la kulmay ayuu kala hadlay xiriirka dalalkaas la leeyihiin Somaliya iyo sida ay door uga qaadan karaan dadaalka dib usoo noolaynta dawladnimada Somaliya iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.
 
Dhanka kale Ra’isalwasaare Khayre wuxuu khudbad ka jeediyay shirweynaha 29aad ee ururka Midowga afrika oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaal iyo hoggaamiyaasha qaaradda afrika, wuxuuna ka hadlay caqabadaha haysta Soomaaliya iyo fursadaha horyaal gaar ahaan horumarinta dhalinyarada oo udub dhexaad u ahayd barnaamijka uu la tegay shirka midowga Afrika.