Liiska Ardayda u sharraxan wejiga hore ee deeqaha Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, waxay soo bandhigaysaa liiska ardaydii ugu sarraysay sanad dugsiyeedka 2016/2017 ee ka baxay dugsiyada sare ee Puntland, kuwaasoo loo soo sharraxay inay noqdaan ardayda u sharraxan inay ka faa’iidaystaan deeqaha Waxbarashada ee ay wasaaraddu u soo heshay sanadkaan.
 
Aradaydan nasiibka u yeelatay inay ka mid noqdaan liiska ugu sarreeya ee ka baxday sanad dugsiyeedkan 2016/17, waxaa lala socodsiinayaa in ay u sii diyaar garoobaan, siina diyaarsadaan dhammaan dekumentiyada looga baahan karo iyo baasabooradooda, sidoo kale waxaa la ogeysiinayaa waaridiinta iyo cid kasta oo ku taxaluqda ardaydaan inay sidaa ula socdaan, wixii faah faahin intaasi dheerna ay la soo xiriiraan xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland si faah-faahinta ay u baahan yihiin loo siiyo.
Halkan ka ka akhriso:-