Video:-Dawlada Fadaraalka oo soo bandhigtay xubin ashabaab ah oo lagu qabtay suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dowladda  federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay Xasan Axmed cismaan oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-shabaab islamarkaana uu yahay shaqsigii shalay bam gacmeedka ku tuuray Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho Gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu iibiyo.

Afhayeenka wasaaradda amniga Dowladda federaalka Soomaaliya Axmed carab oo warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta dembi barista waxaa uu sheegay in shaqsigaani uu  yahay kii shalay bam gacmeedka Khasaaraha dhimadasha iyo dhaawaca dhaliyay ku tuuray suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho oo ah meel aad u mashquul badan.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Dowladda Soomaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid carab) ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqsigaani baaritan lagu sameyay gacantaasi lagu arkay  astaamo cadeynaya in uu yahay kii shalay bamka ku tuuray suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka