Xulufada Sacuudiga oo Qadar ukordhiyay wakhtigii kama danbaysta ahaa ee ay u qabteen

Sacuudi Carabiya iyo saddex dal oo kale oo Carab ah ayaa 48 saac ku kordhiyay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay Qadar u qabteen si ay u aqbasho shuruudaha ay u gudbiyeen.
 
Wakhtigii markii hore loo qabtay Qadar si ay u aqbasho shuruudahan ayaa ku ekaa Axaddii.
 
Shuruudahaas 13ka ah waxaa ka mid ah in Qadar ay xirto warbaahinta Al Jazeera iyo saldhigga milatari ee Turkiga.
Qadar waxay sheegtay in ay jawaabaheeda rasmiga ah oo waraaq ku qoran u diri doonto dalka Kuwayd Isniinta.
 
Qadar ayaa diiday eedaymaha uga yimid dalalka ay dariska yihiin ee sheegaya in ay taageerto argagixisada.
 
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa Isniinta u ambabixi doona Kuwayd si uu u sii qaado waraaqdaas oo ka timid boqorka Qadar kuna sii jeedda boqorka Kuwayd oo ah dhexdhexaadiyaha ugu way nee xiisadda Khaliijka.
 
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Moxamed bin Cabdulraxman bin Jassim Al-Thani ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu diiday dalabka loo soo jeediyay balse uu diyaar u yahay wadahadallo shuruudo sax ah wata.
 
Qadar ayay todobaadyo saran yihiin cunaqabatayno dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aan la sii saadaalinin, kuwaas oo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisa Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.
Xigasho BBC.