Jeneral Saacid oo shaqo joojin iyo Xabsi guri layskugu daray

Jeneral Saacid talyaha Booliska fadaraalka waxuu dhex jiifaa fadeexad ku saabsan lunsasho mushahaarkii Ciidamada.

Jeneral saacid sida xogtu sheegayso waxaa ku lumay mushahaarkii ciidanka Booliska ee bishii dhamaatay,kaasoo ciidanka loosoo hormariyay si ay ula ciidan qoysaskooda,balse Jeneralka ayaa amar ku hakiyay bixinta mushahaarkaas,ilaa iyo hadana ciidanku mushahaar ma qaadan bishan.

Arintan waxay gaartay madaxda sare ee dawlada Fadaraalka waxaana shaqo joojin iyo xabsi guri deg-deg ah lagu sameeyay Jeneral Saacid.

Saacid ayaa horay usoo qabtay xilkan Talyaha Booliska xiligii dawladii Xasan Culusow ,inkastoo markii danbe xilka looga qaaday sababo la xariira dayac masuuliyadeed.

Dad badan ayaa dhaliilay dib umagacaabista Jeneral Saacid ee xilka Talyaha Booliska fadaraalka,iyagoo u arkay nin aan ku filnayn hogaaminta xiligan adag ciidanka Booliska.