Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas Muddo Kororsi Miyaa u Hilaacay?

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horey u soo noqdey Raysalwasaare Dowladii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya ayaa xilka Madaxweynaha loo doortey 08.Janaayo 2014. Doorasho mucjiso ah oo la dhihi karo nasiibka ayaa u hiiliyey kadib markii uu helay 33 cod wareegii saddexaad, iyada oo musharaxa ka soo horjeeday uu helay 32, halka codka barbaro ka dhigi lahaa uu xumaadey, taas oo ka dhigtey in Cabdiweli Cali Gaas uu guul mucjiso ah gaaro. Ka hor Doorashadii 2014, Puntland waxay soo martey sanad qalalaase, mudaaharaadyo iyo weliba iska hor imaad hubeysan uu Puntland ka dhacay, kadib markii xukuumaddii markaas jirtey ay ku qaban weydey doorashada xiligii loo dhaariyey markii uu dhamaadey ee ay ku darsadeen muddo hal sano ah, xafiiskana fadhiyeen sanadkii 2013 oo dhan iyaga oo ku doodaya dastuurka Puntland ee ergooyinku ansixiyeen Abril 2012.
 
Cabdiweli Cali Gaas ayaa horey u sheegay in aanu dooneyn in uu raadiyo in mar kale uu xafiiska u tartamo isaga oo aan sabab sheegin. Arrintaasi ayaa la aaminsan yahay in ay fursad u siisey Madaxweynaha in uu ku seexiyo dhamaan kuwa damacu uga jiro in ay u tartamaan xafiiska Madaxweynaha Puntland 2019, waxaana ka baxay meesha cod mucaarad ah oo muuqda oo ku sugan gudaha Puntland, si ka duwan Madaxweynayaashii isaga ka horeeyey. Laakiin warkaas waxbaa ka danbeeyey.
 
Dadka ka faallooda arrimaha Puntland waxay sheegayaan in qaababka Madaxweynuhu u dhaqmey tan iyo heshiiskii DP World kadib uu yahay mid muujin kara damaciisa siyaasadeed ee mar kale, waxaana kamid ah:
 
Isku day in uu beelaha qaar u raadiyo xildhibaano cusub ama dheeraad looga dhigo;
Magacaabidda Wasiiro cusub, taas oo kor u sii qaadey tirada Xukuumadiisa;
Magacaabida Tuulooyin aad u yaryar oo degmooyin laga dhigo, taas oo durba khilaaf abuurtey;
Bixinta lacago siyaasadeed;
Lacag Puntland la siiyey oo uu ka dhigey mid ay bixisey hay’adda Abdiweli Foundation Imaraati, uguna deeqay isla Puntland;
Isimo (Duubab) badan oo Garoowe lagu soo xereeyey kuwaas oo shirar gooni gooni ah la yeelanaya Madaxweyne Cabdiweli si la isugu xiro Isimada iyo Madaxtooyada;
Isku shaandheyn xukuumadeed, cayrin wasiiro, cayrin barasaab gobol oo hadda la soo wado;
Marka la eego arrimahan oo dhan ayaa ah tillaabooyin muujin kara damaca siyaasadeed ee Madaxweynaha Puntland uu ku doonayo in uu Puntland mar labaad hoggaamiyo, waxaase la is weydiinayaa qaab noocee ah ayuu ku doonayaa Madaxweynuhu in uu mar kale Puntland ku hoggaamiyo.
 
Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu xaq u lee yahay in uu mar kale u tartamo xilka Madaxweynaha Puntland sida uu qabo dastuurku marka uu dhamaado muddada xilka loo dhaariyey, ma jirto cid ka hor istaagi karta, laakiin waxa la is weydiin karaa ol-olaha cusub ee Madaxweynuhu wado ee sida cad u muuqda xaggee ku wajahan yahay, maku doonayaa si dastuuri ah in mar labaad lagu doorto mise waxa uu qaatey tallooyinka ay siiyeen qaar kamid ah la taliyaashiisa idman ee Puntland khalkhalka iyo jaahwareerka gelin kara.
 
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Cabdiweli Cali Gaas uu doonayo in xilka Madaxweynaha loogu daro muddo laba sano ah oo kale tartanka doorashada Puntland ay dhacdo 2021, si lamid ah tan Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa markii uu dib uga soo noqdo safar la sheegayo in uu ku tagaayo Muqdisho in uu safar ku tagaayo Magaalooyinka Qardho, Carmo iyo Boosaaso iyo weliba magaalooyin kale taas oo ugu gogol xaarayo ol-olaha ku darsashada iyo dib u dhigga doorashada 2019.
 
Sida ay sheegayaan xogta aan helayno dadka u ololeynaya in Cabdiweli Cali Gaas loogu darro 2-3 Sano oo kale ayaa qorshahooda u dejiyey dhawr weji si loo garo damac shakhsiyadeed, waxaana kamid ah qoryashaasha qaar fuleen kuwona socdaan:
 
Ugu horeyn waxaa la soo xero geliyey Xildhibaano gaaray 10 oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, kuwaas oo horey u sheegan jirey in ay yihiin mucaarad, su’aalo adagna weydiin jirey Madaxweynaha xiliyada ay furmayaan kalfadhiyada baarlamaanku, waxaana taasi ka dhigaysaa in Baarlanka Puntland aanu ka hor imaan karin qorshe kasta oo Madaxweynaha Puntland wato oo ay yihiin Xisbigiisa, waxaana ay si weyn ay ugu dhex milmeen Xukuumadda iyo Madaxtooyada, oo ahayd kuwa laga doonayo in ay la xisaabtamaan.
Qorshaha labaad ayaa ah in Isimada magaca iyo saameynta leh Madaweynuhu la fariisto, kana dhaadhiciyo qorshihiisa oo wada shaqeyn iyo is-faham la gaaro.
Wejiga saddexaad ayaa ah in Madaxweynuhu soo xero geliyo qaar kamid ah musharixiinta uu is lee yahay qorshiisa si weyn ayey u dhabqin karaan una ballan qaado dhaqaale iyo xilal siyaasadeed.
Wejiga afaraad ayaa ah in la isku duba rido dhalinyarada, haweenka iyo qof kasta oo la dhihi abaabul iyo kacdoon ayey ka qaybqaadan karaan, dhamaantoodna lala fariisto oo is-faham lala gaaro.
In Beesha caalamka laga dhaadhiciyo in qorshaha Xisbiyada Puntland laga hirgelinaayo taasna ay u baahan tahay in wakhti dheeraad ah ay hesho xukuumadda Dr. Cabdiweli Cali Gaas.
Haddii labada qorshe ee u horeeya u fulaan ayaa la sheegayaa in Madaxweynuhu furan doono Xisbi siyaasadeed si lamid ah Xisbigiii Hoseed Party ee Madaxweynihii isaga ka horeeyey si bulshada loogu baaqo in la fulinaayo himilooyinkii lagu hungoobey shantii sano ee uu xilka hayey.
Haddiiba shacabka Puntland oggolaadaan damaca la sheegayo in uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah muddo kororsiga, maxaa la dhihi karaa waa ku muteystey? Muxuu ka qabtey barnaamijkiisi siyaasadeed ee uu Baarlamaanka ka hor akhriyey?, muxuu ka qabtey amniga dalka ee Al-Shabaab iyo Daacishta xiligiisi timid ay ku xoogeysteen?, Muxuu ka qabtey daryeelka shaqaalaha dowaladda iyo ciidamada iyo weliba bixinta mushaharaadka? Muxuu ka qaybtey Puntland-ta qaybsan ee uu sheegay in aan faataxo lagu qaadan faatoxana lagu soo dhicin karin? Muxuu ka qabtey dhaqaalaha Puntland iyo sicir bararka saameeyey bulshada taas oo sarrifka dollarku gaarey meeshii u sareysey muddo 8 sano ah? muxuu… muxuu, waa badweyn aan laga bixi karin.
 
Dhanka kale dadka tageersan qorshaha hadda soo ifbaxaya ee muddo kororsiga ayaa sheegaya in Madaxweynuhu wax badan ka qabtey hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hormarinta biyaha, waxaa shaqeynaya garoonka diyaaradaha ee Bosaso inkasta oo uu qabyo yahay, wuxuu garoonka Garoowe ugu deeqay isla lacagtii Puntland loogu deeqay, waxaana dhawaan Puntland yeelanaysaa garoonkii labaad oo caalmi ah, waxaa dhawaan bilaami doona ballaarinta dekadda Bosaso, kadib heshiiskii DP World, waxaa meel fiican maraya jidka Ceel Daahir oo dhamaystir u baahan, NIDAAMKA XISBIYADA AYAA SOCDA oo qabyo inaka ah, sidaas darteed Qabyo ninkeeda ayaa dhamaystira.
 
Haddaba sidee noqon lahayd haddii caalamka Madaxweyne muddadii xilka loo doortey uu yiraahdo sidaas ayaan qabtey ee wanaagsan ee xilka hala ii siidaayo, haa dalalka keligii taliyaashu waa ka dhacdaa laakiin xoog ayey ku meel marsadaan, laakiin ma tahay Puntland meel nidaamkaasi ka hirgeli karo, maxaa laga bartey oo aan burbur ahayn haddii sharciga iyo dastuurka la ilaalin waayo? Madaxweynaha Puntland waxa uu xafiiska yimid iyada oo Madaxweynihii ka horeeyey ka tegey mashaariic socota oo la soo oggolaadey sida garoonka diyaaradaha ee Boasaaso iyo weliba kan Garoowe, maxaa isaga loogu deyn wayey in uu si habsami leh u dhamaystiro barnaamijkii Xisbiyada iyo labada garoon ee ka tegey iyaga oo dhaqaalihii lagu fulin lahaa diyaar yihiin. Sababtu waa ilaalinta sharciga iyo heshiiska bulshada ee Puntland ku taagan tahay.
 
Waxqabadka muuqda ama wax ka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha Madaxweynaha Puntland waa mid lagu bogaadinaayo waase shaqooyinkii loo dhaariyey in uu wax ka qabto, qofkasta xili ayuu lee yahay, waxaana la dhihi karaa waxkasta waxaa ka weyn ilaalinta sharciga iyo dastuurka dalka u yaala.
 
ILOWSHA DHAWAA!
 
Kooxda u ololeyneysa in Madaxweyne Dr. Cabdiweli Cali Gaas muddada xilka loo kordhiyo waxaa la dhihi karaa waa koox aan lahayn khibrad siyaasadeed oo ka durugsan 2014, waxaase muhim ah in la xusuusiyo khibraddii Madaxweynaha Puntland ee hadda markii uu Muqdisho ka soo tegey isaga oo wareejiyey xilkii Raysalwasaaraha uu Puntland ka bartey.
 
Raysalwasaarihii hore ee Dowladdii kumeelgaarka ahayd ayaa bishii Oktoobar 2012 waxa uu safar dheer ku marey gobolada Mudug, Nugaal Bari+Karkaar. Dr. Cabdiweli Cali Gaas xiliga uu Puntland ku safraayo waxaa ka taagnaa muran siyaasadeed, waxaana in badan oo shacabka iyo siyaasiyiin damac ku jirey ay ugu baaqayeen Madaxweynihii hore Dr. Cabdiraxmaan Faroole in uu doorashada qabto 8 Janaayo 2013, maadaama muddo afar sano ah xilka loo dhaariyey. Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu dhegihiisa ku soo dhegaystey shacabkii Puntland ee gobolada kala duwan ee uu maray. Inkasta oo safarkiisi carqalad laga geliyey sida uu sheegay, horaantii bishii Nofeembar 2012 waxa uu shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ka hadley wixii uu soo arkey, waxaana uu ku ladhay talooyin uu siiyey maamulkii markaas jirey waxaana talada ugu muhimsan ahayd, sidan:
 
“……Waxaa ku habboon maamulka iyo baarlamaanka lagu soo doortay laguna dhaariyey in ay ugu adeegaan xilkooda afarta sanno 2009-2013 ee labada bilood ka dhimanyihiin in ay tixgaliyaan dhawraanna rabitaanka shacbiga. Waxaan ku baraarujinayaa maamulka iyo baarlamaanka in aysan galin dalka mugdi iyo khalkhal siyaasadeed oo laga maarmikaro. Waxaa mudan in marwalba danta guud laga hormariyo danta iyo maslaxadaha khaaska ah…..”
 
Haddaba Madaxweynaha Puntland miyaaney la gudbooneyn maanta in uu isagu u hoggaansamo taladii uu siiyey Madaxweynihii isaga ka horeeyey ee ahayd dalka khalkhal ha gelin, ee muddadii lagugu doortey ku ekow, iyo in laga maarmi karo khalkhal siyaasadeed.
 
Miyaaney la gudbooneyn Madaxweynaha Puntland inuu xilka u tartamo “xalalaal dharaar baa la qashaa” nasiibkiisi cajiibka lahaana uu mar labaad tijaabiyo, taas oo haddii uu ku guuleysto aysan jirin cid ka daba hadli karta ama buuq ku furi karta lagana maarmi karo khalkhal siyaasadeed. Haddii kale ha qaato tallaabadii François Hollande, madaxweynihii hore ee Faransiiska, kadib markii uu arkey in aanu guul ka keeni karin in uu mar kale dib u tartamo, taas oo ka dhigtey Madaxweynihii u horeeyey ee Reer Faransiis ah oo aan mar labaad dib u tartamin.
 
Ugu danbeyn Puntland waxay u baahan tahay Madaxweyne ilaaliya dastuurka iyo heshiiska bulshada, ilaaliyana runta.
 
Hussein Farah
Horseed Media