Sawiro:-Madaxweynaha hanka yar ee Puntland oo sidisii Xamar iska xaadiriyay

Madaxweynaha faashilka ah ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray Muqdisho.
 
Madaxweynaha hanka yar ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Juxaa iyo shacab reer Puntland oo diifaysay ayna ka muuqato dayac baahsan oo Xamar ku haysta iyo kuwo sheegta in ay Puntland ku matalaan dawlada fadaraalka,balse aysan Puntland waxba ku qabin.
 
Dhanka kale Madaxweynaha hanka yar ee Gaas ayaa waxaa garoonka Aadan-cade dhexdiisa ku qaabilay safiirka Masar ee Somaliya iyo Wakiilka Xoghayaha Guud Keating.
 
Diblomaasiyiintan shisheeye ee ku qaabilay Garoonka Gaas ayaa horay u ahaa kuwii ugu imaan jiray fadhigiisa si haybad leh Madaxweynaha Puntland ka hor Gaas-kan hanka yar.
Sidii caadada u ahayd waxay gacanyarayaashiisu saxaafada u sheegeen in madaxweynuhu kala hadlay diblomaasiyiinta uu la kulmay danaha Puntland si fiicana iskugu afgarteen,balse xogta dhabta ah ayaa sheegaysa in kulanka diblomaasiyiintan iyo Gaas-ka hanka yar ay iska ahayd wax iska caadiya oo aan macno badan lahayn horayna loosii diyaariyay si safarkiisa muqdisho macno loogu yeelo oo shacabka Puntland ee ka niyad jabsan hanyarida madaxweynaha fariin waaqiciga ka fog loogu diro.
 
Gaas ayaa Xamar u tagay sidii caadada u ahayd shir aan macno badan lahayn oo uu u diri karay wafti caadiya ama ay macquulba ahayd in Garowe lagu qabtay ,iyadoo la muujinayo burhaanta nidaamka fadaraalka iyo baahsananata maamul ee dawladnimada Somaliya.
 
Madaxweyne Gaas ayaa mar walba noqda madaxweynaha ugu horeeya ee gaara meel walba oo lagu shirayo ama ay casuumad iyo kulan ay ku leeyihiin madaxda Somalida.