Video:-Kuuriyada waqooyi oo tijaabisay Gantaal caalamka oo idil gaara

Kuuriyada Waqooyi ayaa bilooyinkii dhawaa sare u qaaday tijaabinta kantaalaada, taasoo gobolka ka dhalisay xiisad.
War qoraal ah oo ay soo saartay xukumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay in dalkaasi “ uu hadda noqday quwad nuyukliyeer oo leh gantaallo gaari kara dunida oo dhan“.
Waxaa sidoo kale qoraalkaasi lagu sheegay inay dalka u suurtagelin doonto ” soo afjaridda handadaada iyo khatarta nuyukliyeerka Mareykanka“.
 
Telefishinka dalka Japan ee NHK News oo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Japan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in gantaalkaasi uu ku dhacay biyaha dhul lahaanshihiisu uu sheegto dalka Japan.
 
Mas’uul ka tirsan dowladda Japan ayaa warbaahinta u sheegay in gantaalkaasi uu socday muddo 40 daqiiqo ah, isla markaan ay suurtagal tahay in uu ku dhacay badda Japan.
 
Kuuriyada Woqooyi ayaa bilihii ugu dambeeyay dardar gelinaysay tijaabada gantaalada iyo hubkeeda niyuukleerka.
 
Wax yar uun ka hor inta Kuuriyada woqooyi aysan ridin gantaalkaasi tijaabada ah ayaa safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey waxa uu ka dhigay cawaaqib xumo masiibo ay ka dhalan karto haddii aanan la dejin oo aan la qaboojin xiisadda u dhaxeysa quwadaha caalamka iyo waddanka kuuriyada woqooyi.
 
Tijaabada gantaalka ay haatan tijaabisay xukuumadda Pynogyang ayaa ku soo beegmeyso maalin uun kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qadka taleefoonka kula hadlay ra’iisalwasaaraha Japaan Shinzo Abe iyo madaxweynaha Shiinaha, waxa ayna ka wada hadleen arrinta kuuriyada Woqooyi.
 
Hoggaamiyeyaashani ayaa dhammaantood caddeeyay sida ay uga go’antahay in gacanka kuuriya ka dhigaan aag ka caaggan hubka niyuukleerka.
 
Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale usbuucii hore la kulmay madaxweyne Trump, waxaana xilligaasi uu madaxweyne Trump uu uga digay xukuumadda Pyongyang in tallaabo adag laga qaadi doono.
 
Trump ayaa sidoo kale kal hore sheegay in uu saluugsan yahay qaabka Shiinuhu uu cadaadiska u saarayo Kuuriyada Wooqooyi, si ay u hakiso hubkeeda niyuukleerka, waxa uuna sheegay in dulqaadka uu ka sii dhammaanayo.
 
Hoggaamiyeyaasha qaddadama qaniga ah ee ku bahoobay ururka G20 ayaa dhawaan lagu wadaa in dalka Jarmalka ay ku kulmaan oo ay ka wada arrinsadaan arrinta kuuriyada Woqooyi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka