Ciidamada Jubaland iyo Alshabaab oo ku dagaalamay duleedka Kismaayo

Ciidamada Jubaland iyo kuwa dawlada fadaraalka qaybtooda Jubaland, ayaa xalay kula dagaalamay duleedka deegaanka Lugloow oo qiyaastii 17 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab , waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray iska horimaad xooggan.
 
Dagaalka ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland iyo kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa saldhig ku yaal deegaanka Lugloow ay weerar qorsheeysan ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo isku abaabulayay duleedka deegaankaasi.
 
Saraakiisha ciidamada Jubaland ayaa soo bandhigay meydadka 13 askari oo ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen in ay ku dileen weerarkii xalay iyo sidoo kale hub laga qabsaday kooxdaasi.
 
Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda Jubaland Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa warbaahinta kula hadlay deegaanka Lugloow, isagoo sheegay in weerarkii xalay ay qasaaro xooggan ku gaarsiiyeen Al-shabaab.
 
“Ciidamada Daraawiishta Jubaland iyo kuwa SNA ayaa xalay abaare 11:00 PM (Habeennimo) weerar qorsheeysan ku qaaday goob ay isku abaabulayeen kooxaha nabaddiidka, waad u jeedaan qasaaraha aan gaarsiinnay, dhaawac badanna way la carareen,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
 
Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama soo saarin khasaaraha ka dhashay iska horimaadkii xalay ka dhacay duleedka deegaanka Lugloow ee gobolka J/hoose.