Dhagayso:-Wasaarada maaliyada Fadaraalka oo ka hadashay xiisada ka aloosan Beledweyne

Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa uga hadlay xiisadaha ka aloosan gobollada dhexe ee ku aadan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah.
 
“cabashooyinka aan hada maqleyno waa in lacago cusub oo lasoo daabacay ay dadku ka biyo diidsan yihiin anaga lafteenu waa ka biyo diidsannahay waxa aan u sheegeyno dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa soo daabacay lacagtan waa iney ka waantoobaan ficiladan oo shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo waana nasiib daro talaabooyinka noocaan ah”ayuu yiri Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya.
 
Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daabacaada lacagahan oo sharci darada ah ay ka mid tahay dambi la galo kuwooda ugu waaweyn waayo kuwa ku kacaya waxey dhibaateeynayaan malaayiin shacab Soomaaliyeed islamarkaana xukunnada ka dhalan karta ay dil ka mid tahay.
 
Wareysiga waxa uu sidoo kale Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle kaga hadlay qorshaha Wasaaradda Maalliyadda ee ku aadan shilinka Soomaaliga iyo in ay waajib tahay in dalka uu yeesho lacag cusub,hoos ka dhagayso codka wasiirka .

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka wasiir Beyle